Man United Oo Guul Ka Gaartay West Ham +SAWIRRO

195

Man Inited aaa guul hal gool aheyd wax aay ka gaareen West Ham kuwaasi oo tan iyo xilli ciyaareedkii aan guul horyaalka Ingiriiskaa ah ku soo gaarin qalcadda Old Tarfford

Sheekada labada qeyb : Qeybta hore aya lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal waxaana United kaliya ka maqnaa qeybtaas nasiibka ay goolal ku dhalin kareen

Guud ahan mamaulka kubadda United iyaga ayaa ku sareeyay oo illaa %64 ayay ku sareeyeen waxaana fursado badan oo ay abuureen hor taagnaa goolhayaha West Ham .

United waxa ay ku wacnaayeen in kubadda dadajiyaan waliba si sahal u gaarsiiyaan goosha West Ham kuwaasi oo dhankooda rogaal celis ku tiirsanaa balse ma aheyn wax muuqday .

Qeybta labaad , United cadaadis ayay sameeynayeen waxaana ka go`anaa in natiijada wax ka badaaln waqti hore illaa ay keenaan gool West Ham si qaldan isaga dhaliyeen daqiiqadii 53-aad

Ka dib United dhaq dhaqaaqa ayay sii xoojiyeen fursado waa iska qasaariyeen halka qaar goolhayaha uu u diiday balse West Ham dhamaad xigeenka hurdada ayay ka tooseen .

Kooxda martida waxa ay dhamaadkii xigeenkii tagayeen goosha United isku dayo ayay sameeyeen waliba fursado muuqda ayay iska qasaariyeen inkastoo United kubadda ay ku badneyd cagtooda

United si guusha u hubsadaan isku dayo ayay sameynayeen xilli daqiiqadii 76-aad kubad gool noqon laheyd ay kaga dhacday bitrta waxaana lahaa Greenwood , waxaase xusid mudan in dhamaadi West Ham ay u dhawaanayeen in goolka bar bar dhaca ku helaan kooxda Old Trafford .

Si waliab oo ay West Ham dhamaadkii u soo weerra tageen hadana daafac United ayaa ku guuleysanayay in kubadda durba ka kalam jaraan waxaan loogu dhameeyay halkaas gool.