Real Madrid Oo oo u awood sheegatay Atalanta Iskana Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Champions League

221

Kooxda Real Madrid ayaa si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League kadib guul ay u qalmeen oo ay ka gaadheen kooxda Atalanta.

Qaybta Hore:

Real Madrid ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay iska ilaaliyaan wax lama filaan ah oo kaga yiamaada kooxda Atalanta.

Dhanka kale kooxda Atalanta ayaa ciyaartay qaab ciyaareed weerar ah waliba sameeyay fursado fiican laakiin Waxa u diiday in ay gool ka dhaliyaan Nasiib iyo waliba in ay ku dhibaatootay in ay dhamaystiraan fursadaha.

Los Blancos ayaa dhanka kubad haysashada ku fiicnayd xilli ay Atalanta ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.

Daqiiqadii 34-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo gool u badalay baas uu ka helay Luka Modric oo ka faa’iidaystay khalad ay sameeyeen xiddigaha Atalanta.

Kooxda Zidane ayuu naqas ka soo baxay maadama ay hogaanka u qabteen ciyaarta waliba ay haatan gacanta sare leeyihiin waxana ay bilaabeen in ay si dagan u ciyaaraan.

Xiddia Vinicuis Junior ayaa kooxda Atalanta ku ahaa laf dhuun gashay isaga oo dhawr mar kubada la hor tagay goolkooda laakiin aan dhamaystirin kubadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid baxday iyaga oo hogaaminaya ciyaarta waliba ahaa kooxda fiifacan.

Qaybta Dambe:

Real Madrid ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay qaab ay doonayeen in ay ciyaarta dilaan ka hor inta ayna Atalanta gool ciyaarta ku soo celiya dhalin.

Kooxda Tababare Zinedine Zidane ayaa heshay dhawr fursad oo uu hogaaminayay xiddiga Vinicuis Junior laakiin fursadahaas ayaan wax gool ah noqon.

Daqiiqadii 60-aad ayay Rea Madrid dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Ramos kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa sii waday fursadaha xilli ay Atalanta samaysa fursado waliba Goolhayaha Real Madrid ku qasbay in uu sameeyo badbaadino cajiib ah.

Daqiiqadii 83-aad ayay Kooxda Atalanta dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu laad xor a u dhaliyay xiddiga luis Muriel kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Real Madrid ayaa si deg-deg ah ugu jawaabtay kadib markii uu daqiiqadii 84-aad gool u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo taabashadii ugu horaysay ee uu taabtay kadib markii uu badal ku soo galay ciyaarta ka dhaliyay goolka 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League una awood sheegatay Atalanta.