West Brom Oo Chelsea Ku Xasuuqday Garoonkeeda +SAWIRRO

99

Kooxda chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah oo weyn kala kulantay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 30-aad.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo rikodh fiican leh tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday Blues waliba ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Blues ayaa ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo West Brom ka maamulayay ciyaarta waliba u diiday in ay sameeyaan fursado waliba qaadaan weeraro hagaagsan.

Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu laad xor ah birta ka jaray xiddiga Marcos Alonso waxana kubadii soo laabatay goolka dhex dhigay xiddiga Cristian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Chelsea ayaa u muuqatay kuwo guul weyn ka gaadhi doona kulanka marka loo eego sida ay u ciyaaraysay chelsea waliba ahaa kuwa ka fiican kooxda West Brom.

Laakiin daqiiqadii 29-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii xiddiga Thiago Silva qaatay kaadhka cas kadib khalad uu ku galay xiddig kooxda West Brom ah.

Kooxda West Brom ayaa dhanka kale u rogtay ciyaarta wixii ka dambeeyay kaadhka cas iyaga oo ahaa kooxda fiican xilli uu Thomas Tuchel isku dhex yaacay waliba badalay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo uu ku badalay daafaca.

Daqiiqadii 45+2-aad ayay West Brom dhalisay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Matheus Pereira kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Isla laba daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 45+4-aad ayay West Brom dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matheus Pereira kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea la yaabtay wixii ku dhacay xilli ay West Brom heshay kalsooni ay kulanka wax kagala bixi karto.

Qaybtii dambe ayay West Brom ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo ka fiicnaa kooxda chelsea kuwaas oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay chelsea ku qaadayeen.

Daqiiqadii 63-aad ayay West Brom dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Callum Robinson kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay West Brom ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda West Brom ayaa sii waday qaab ciyaareedka iyo weerarada ay ku qaadaysay waxana daqiiqadii 68-aad goolka 4-aad u dhaliyay xiddiga Mbaye Diagne kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Blues ciyaarta ku dambays.

Chelsea ayaa daqiiqadii 71-aad iska soo badaay hal gool waxana u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay wali Blues ku dambayso ciyaarta.

West Brom ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarada ay ku qaadayeen chelsea xilli Thomas Tuchel garan laayahay meesha wax ka khaldameen.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay West Brom dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Callum Robinson kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/2 ay West Brom ku dambayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea la kulantay guuldaro weyn oo ceeb ka soo raacday iyaga oo jooga garoonkooda lana kulmay guuldaradii ugu horaysay tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.