Real Madrid Oo garaacday Liverpool +SAWIRRO

892

Real Madrid ayaa guul weyn ka gaartay Liverpool waxa ayna hal lug la galeen wareegga 4-ta Champion-ka , waxa ayan wiilasha Klopp ku soo direen sedex gool iyo hal

Sheekada qeybta hore: Real Marid ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay laba gool oo nadiif ah waxa ayna kooxda Klopp marti ku ahaayen lugta koowaad ee wareegga 8-da Champion-ka

Real waxa ay qeybtaas soo bandhigeen kubad xaraard leh waxaan ka go`naa in waqti hore natiijada wax ka badalaan waxa ayna Liverpool saareen cadaadis aan kala joogsi laheyn .

Liverpool kaliya waa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah mana aheyn kuwo halis ahaa iyaga ayana mar waliba u nuglaa goolal .

Garabka bidix ee Liverpool ayaa ahaa waddo Vinicius Junior u furneyd waliba ayna ka imaaneysay halista Real halka qadka dhexe ee wiilasha Zidane uu ahaa mid aad u wacan.

Daafaca Liverpool waxa ay ka sheeganayeen dhibaato ah in qaab ka bad badis ah afka hore ugu soo dhaqaaqayeen taasi oo keentay goolkii koowaad ee Vinicius Junior ee daqiiqaddii 27-aad ka dib kubad uu meel fog ka soo qajafeeyay Kross.

Liverpool weerar ahaan waa ay liiteen waana ku adkeyd in si sax ah kubadda horay ugu soo jiidaan , waxaana lagu dilayay boosaska oo ay ciyaartooyda Real isu badalayeen xittaa Benzema ayaa qadka dhexe iyo garabka ka xamaalanayay mararka qaar .

Hubka kaliya ee Liverpool ee kulankaan waxa uu ahaa kubadaha rogaal celiska ah balse daafaca Real ayaa ahaa mid foojignaa oo durba soo celinayay waxaana kooxda Klopp gool labaad ka dib qalad weyn oo ka dhacay Liverpool lagu helay daqiiqadii 36-aad waxaana si cajiib u dhaliyay Assensio ka dib baas u lahaa Kross

Liverpool waxa ay soo laabashadii soo giliyeen Alcantara oo loo saaray Naby Keita, waxaana kubadda ku sareeysay Liverpool oo gool raadis aheyd waliba dadajineysay kubadda xilli Real cadaadis uu fuulay taasi oo keentay in gool lagu helo waxaana daqiiqadii 51-aad ka dhaliyay Mohamed Salah .

Ka dib goolkaas Liverpool , waxa ay ciyaarta noqotay mid u furan labada koox waliba laga filan karo goolal xilli Real ay xoogaa ku badneyd maamulka kubadda.

Liverpool , qeybta labaad waa ay ka duwanaayeen middii hore oo kubadda waa ay gaarsiinayeen goposha Real wlaiba maarra qaar gool ayay u dhawaanayeen xili Real daqiiqadii 63-aad fusrad xaqiiq ah ay iska qasaariyeen .

Ciyaar deg degsiimo leh oo waliba Countra attack ah ayay ciyaarayeen labada koox waxa ayna Real ku keeneen gool sedexaad waxaana dhaliyay Vinicius Junior daqiiqadii 65-aad ka dib baas sixir ah oo uu ka helay Modric waxaana goolkaas ka muuqday fadeexo dhanka daafaca Liveprool ah .

Real goolal dheeraad ah ayay u nuglaayeen waxaana u sabab ah daafaca Liveprool oo kulankaan guud ahaan maqane jooge ahaa waxa uuna Zidane badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 70-aad xilligaas oo uu soo giliyay Federico Valverde oo loo saaray Marco Asensio

Liverpool dhamaadkii dadaal ayay wadeen balse daafaca Real ayaa wacnaa waxa uuna Kloppe badalkiisa labaad uu sameeyay daqiiqadii 81-aad iyadoo uu soo giliyay Diogo Jota iyo Roberto Firmino halka Zidan isna uu soo giliyay Rodrygo oo loo saaray Vinicius Junior balse wax aay ciyaarat ku dhamaatay sedex iyo hal oo Real ku badisay.