DAAWO:-Chelsea Oo U Awood Sheegatay Crystal Palace

358

Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalantay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyaga oo u awood sheegtay Kooxda Crystal Palace.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si aad u dagan iyada oo ayna labada kooxood isku qaadin weeraro la taaban karo iyada oo chelsea maamulaysay ciyaarta xilli ay Crystal palace dhankeeda daafac ku jirtay.

Chelsea ay dhawr mar halis galisay goolka kooxda Crystal Palace iyaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta maadama ay fursadaha ay samaynayeen ayna halis badan galinayn daafaca Crystal Palace.

Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu Marcus Alonso u dhaliyay laad xor ah isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka iyo raadinta in ay dhaliso goolal kale oo ay ciyaarta ku disho si ayna Crystal Palace u rajayn in ay soo laabato.

Blues ayaa daqiiqadii 40-aad dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Christiano Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Blues natiijo ahaan hogaaminayso sidoo kale ka awood badnayd kooxda Crystal Palace kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin.

Qaybta Dambe:

Kooxda Crystal palace ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo halis galiyay Goolka kooxda chelsea iyo difaaca Blues.

Laakiin daqiiqadii 58-aad ayay chelsea dishay ciyaarta kadib markii uu xiddiga da’yarka ah ee Trevoh Chalobah dhaliyay goolka 3-aad kadib gool gantaal ah oo uu ka dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League waliba muujisay in ay diyaar u tahay in ay u tartanto horyaalka.