Akhriso: Warqadihii Farmaajo kasoobaxay ee shaqeyn waayay

371
Tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Ra’isul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday waxaa jiray magacaabis iyo xilka ka qaadis ay labada dhinac sameeyeen.
Go’aamada Ra’isul wasaaraha iyo magacaabista uu sameeyo ayaa ah kuwa dalka ka dhaqan galayay islamarkaana lagu shaqeynayay iyadoo xitaa dadka uu RW Rooble magacaabay ay dad sii magacaabeen.
Dhanka kale waxaa jira amaro iyo magacaabis iyo xitaa go’aano uu soo saaray Farmaajo kuwaa oo aan dhaqan galin islamarkaana noqday kuwa la iska xariiqay.
Hoos ka akhriso waraaaqaha ka soo baxay Villa Soomaaliya ee shaqeyn waayay.
1- Xil ku sii heyntii Fahad Yaasiin ee taliska NISA
2- Diidmadii xil ka qaadistii Ex Wasiir Xundubeey
3- Magacaabidii Kusimaha NISA Yaasiin Fareey
4- Magacaabiddii Guddiga Baarista Kiiska Ikraan
FG: Warbaahintii dowladda oo diiday inay faafiyaan dhammaan warqadihii Villa Somalia.