Ajakis oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

292

Waxaa goordhaw Isbitaalka Yardameli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Ilaah ha u naxariistee Majaajiliiste Cabdi Muruudi Dheere oo loo yaqaanay Ajakis , oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray xaalad adag oo koomo ah.

Maamulka Isbitaalka Yardameli ayaana xaqiijiyay geerida Ajakis oo maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa lagula tacaalayay isbitaalka kadib markii uu Habeenkii jimcaha galay xaalad koomo ah.

Geerida Ajakis waxaa durba ka hadlay kana tacsiyadeeyay Abwaano, majaajiliistayaal, masuuliyiin iyo dadweyne kale kuwaa oo si weyn uga naxay geerida Ajakis oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliya.