DAAWO:-Liverpool Iyo Man City Oo 2-2 ku kalatagay +SAWIRRO

454

Sheekada ciyaarta : Ka dib biloow dar dar leh oo ay Liverpool ku biloowdeen ciyarta hadana waxa  ay u nuglaayeen goolal haddii uusan ahaan laheyn goolhyahooda .

Biloowgii Liverpool si weyn ayay u cadaadiyeen City balse ma jirin halis gilin muuqata xilli City daafac ahaan aad auau u wacnaayeen .

Ka dib dhacdooyinkaas , City  ayaa kubadda la wareegatay waxa ayna Livrpool ka qabsadeen qadka dhexe xilli dhowr fursad oo xaqiiq ah oo lagu helay wiilasha Klopp waxaa bad badiyay goolhayahooda .

Kubadda City waxaa laga soo dhisayay garabka middig , guud ahaan macalin Pep taatiko ahaan waa ka sareeyay Klopp  iyadoo ay muuqatay in Liverpool ay tabeen Robertson Robertson

Biloowgii soo laabashadii , Liverpool  dar dar ayay ku bilaabeen waxa ayna daqiiqadii 49-aad ku sigteen gool waxaana si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha City ka dib kubad uu ku laaday Jota kaasi oo fursad raadis ahaa.

City biloowgii soo laabashada , kubadda durba cagtooda waa ka  baxeysay waxaana daqiiqadii 53-aad gool ka bad baadiyay goolhayhooda balse guud ahaan hanaanka ciyaarta waxa laga dareemay gool labada dhinac ka yimaada.

Liverpool oo qeybtaan ka wacneyd tii hore , waxa ay cadaadis saareen City waxa  ayna ku heleen gool uu ka shaqeeyay Salah waxaana si cajib ah u dhaliyay mane daqiiqadii 59-aad .

City ka dib goolkaas waxa ay sameeyeen isku dayo balse dhameystirka ayaa ka maqnaa waxa uuna macalin Pep soo giliyay  Raheem Sterling oo daqiiqadi 66-aad loo saaray Grealish halka Klopp isna daqiiqadii 68-aad uu soo giliyay Firminho oo loo saaray Jota

City ma niyad jabin ilaa gool cajiib ay keeneen waxaana dhaliyay Foden ka dib  baas sixir ah oo uu ka helay Jesus waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 69-aad

Ka dib ciyaarta xaraarad ayay yeelatay oo gool ayaa la filan karay illaa ugu dambeyn gool xasuus leh uu dhaliyay Salah kaasi oo ceebeystay xiddigaha City daqiiqadii 76-aad , waxa ayna Liverpool ka dib soo giliyeen Gomez oo loo saaray Milner .

City  durba waa aar guteen waxaa gool banaanka lagu toogtay ku helay  De Bruyne daqiiqadii 81-aad , waxa ay City daqiiqadihii geerida iska cuneen fursad  xilli Liverpoolna ay la qabeen arintaan  waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool ah.