DAAWO:-Chelsea Oo ka adkaatay Malmo +SAWIRRO

814

Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Malmo kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League.

Blues ayaa sii wada difaacashada koobka champions League oo ay ku guul ka gaadhay kooxda Malmo kulan ay marti ahayd.

Tuchel ayaa kulanka ku soo galay shax aad uga duwan shaxdiisa kulamada caadiga ah isaga oo fadhiisiyay xiddigo muhiim ah.

Chelsea ayaa qaybtii hore si weyn ugu dhibaatootay in ay goolal ka dhaliso kooxda Malmo kuwaas oo si fiican u difaacanay.

Malmo ayaa xitaa marar ku dhawaatay in ay chelsea ka dhaliso gool kadib markii ay fursado halis ah ku samaysay kooxda difaacanaysa champions league.

Qaybtii dambe ayay chelsea kulanka u soo gashay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 56-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-ad waxana u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisana kana dhiay ciyaarta 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.