Chelsea oo dirqi kaga badisay Watford +SAWIRRO

374

Tababaraha Kooxda chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay in ayna kooxda chelsea soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay kulankii ay 2/1 kaga badiyeen kooxda Watford Arbacadii.

Kooxda Chelsea ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay Watford xilli ay xiddigaha Mason Mount iyo Hakim Ziyech u dhaliyeen labada gool ee guusha ku hogaamiyay premier League

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maanu ahayn kooxda fiican kulanka, diyaar umaan ahayn kulanka maanta, waxa laga yaabaa in aanan marin wadadii saxda ahayd sabab la xidhiidha xaalada adag ee ciyaarta”

“Waxa aan samaynay badal badan laakiiin sidoo kale kalad badan ayaan samayn guushan waxa naga caawiyay nasiib”.

“Shaki la’aan waxa aan odhan karaa 3-da dhibcood waanu ka xadnay Watford”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.