Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo laysku dhegen yahay

384

Horyaalka premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo uu xilli ciyaareedku ku jiro qaab ciyaareed fiican kooxaha iyo xiddigaha kala duwana soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Tartanka gool dhalinta Horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ayaa ka furnaan doona sidii xilli ciyaareedkii hore iyada oo uu Mohamed Salah u muuqdo mid sii fogaanaya tartanka gool dhalinta.

Salah ayaa dhaliyay 13 gool horyaalka premier League kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu garaacday kooxda Everton horyaalka premier League.

Xiddiga ugu dhaw salah ayaa ah xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy kaas oo dhaliyay 9 gool halka xiddigaha Jota iyo Mane ku kala jiraan 3-aad iyo 4-aad kala saraynta gool dhalinta Premier League.