Xildhibaanada Somaliland oo feer iyo laad iskala dalay +VIDEO

458

Xarunta Golaha Wakiilada ee Somalilandee magaalada Hargeysa waxa ka dhacay muran gaaray gacan ka hadal oo dhexmaray xildhibaanada Baarlamanka Somaliland.

Gacan ka hadalka ayaa yimid ka gadaal markii muran xooggan uu ka dhashay Gudiga Furista Ururada oo la hor keenay maanta Golaha.

Gudigan muranku ka taagan yahay ayaa xubnaha qaar ee ku jira lagu dhaliilay in aanay buuxin shuruudaha looga baahan yahay, iyadoo dhaliishu xoogeedu ka timid xisbiyada Mucaaradka oo dood adag arintan ka keenay.

Maamulka Madaxweyne Biixi ayaa doonaya in ururada siyaasadda la furo lana ansixiyo hase ahaatee xisbiyada mucaaradka ayaa diidan, iyagoo taas bedelkeed doonaya in bisha December wixii ka danbeeya la galo doorashada ururada siyaasada.