Ninkii caruurta laayay oo Xog cusub laga helay

438

Ugu yaraan 21 qof, oo ay ku jiraan 19 caruur ah, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday dugsiga hoose oo ku yaal gobolka Texas ee Maraykanka ka dib markii nin dhalinyaro ah oo hubaysan uu galay dhsimaha iskuulka isagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay.

Ninka weerarka qaaday ayaa Salvador Ramos, oo 18 jir ah isla markaana deggenaa magaalada Ovalde, kaasoo markii dambe ay booliisku toogteen.

Madaxweyne Biden ayaa ku baaqay in go’aan geesinimo leh laga qaato sidii looga hortagi lahaa ololaha hubka ee Maraykanka, si loo yareeyo falalka noocan ah oo marar badan soo laalaabtay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Salvador Ramos uu ahaa nin qaangaar ah balse ay haysatay dhibaato dhanka hadalka ah kaasoo marar badana lagu jees jeesay.