Wariye caan ah oo Itoobiya ku geeriyooday

451

Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ahaa guddoomiyihii muuqbaahiyaha Horyaal, iyo daadihiyihii barnaaminka caanbaxay ee “La hadal Horyaal”, ayaa ku geeriyooday magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya.

Wariye Sayid oo caan ku ahaa waraysiyo ad adag oo xiiso badan oo uu ka qaadi jiray siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka kale ee bulshada magaca ku leh, ayaa u geeriyooday xanuun kalyaha ka asiibay oo maalmo kahor kusoo booday.

Kadib maalmo uu Hargaysa ku xanuunsanayay, ayaa wariye Sayid Mirre loo qaaday dalka Itoobiya, kadib markii ay xaaladiisu kasii dartay, iyada oo dadku ay xaalada xanuunkiisa kala socdeen baraha bulshada oo si isdaba jooga loogu baahinayay.

Maamulka muuqbaahiyaha Horyaal oo tiiraanyo ka muuqato, ayaa geerida Sayid dadka la wadaagay, dhinaca kale xukuumada Somaliland, golayaasha sharci dajinta iyo qaar kamid ah madaxda mucaaradka ayaa ka tacsiyeeyay geeriday Sayid Cismaan Mirre.