Nin waalidkii ku dacweynaya sababta ay u dhaleen

1659

Waxaa la soo bandhigay sawirka nin u dhashay dalka Hindiya oo sheegay inuu maxkamad ka dacweynayo waalidkii sababta ay isagoo ogolaansho ka helin ay u dhaleen.

Raphael Samuel oo 27 sano jir ah kuna nool magaalada Mumbai ayaa la arkay muuqaalkiisa isagoo aan xirneyn gar macmal ah.

“Waa qalad in ilmo adduunka la keeno kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto.”ayuu yiri Raphael.

Ninkan hooyadii oo magaceeda lagu sheegay Kavita Karnad Samuel ayaa sheegtay in ay ku ammaaneyso wiilkeeda in uu maxkamad geeyo, isaga oo og in hooyadii iyo aabihiiba ay yihiin qareeno.

Samuel ayaa maxkamadda ka codsanaya in ay u xukunto magdhow ay waalidkiisa siiyaan.
Fikradda ninkan waxa ay salka ku haysaa aragti falsafadeed oo sheegaysa in nolosha ay tahay mid dhibaato badan, sidaasi darteedna la’iskaba dhaafo.

“Ma jirto wax faa’iido ah oo ku jirta nolosha, dad badan ayaa dhibaateysan, haddii bini’aadamka laga dhamayn lahaa adduunka, ciidda iyo xayawaankaba waxa ay noqon lahaayeen kuwa faraxsan”.ayuu yiri Raphael.

Waxa uu sameystey ninkan bog Facebook ah oo uu afkaarihiisa ku faafiyo, iyo sawiraddiisa isaga oo gashan gar macmal ah.

Hase yeeshee dad badan oo ka dhiibtay aragtiyo, waxay qaar kula taliyeen in uu isaga is dilo marka hore.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN