Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland oo beeniyay musuq maasuq lagu eedeeyey

1568

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliland Axmed Ciise Xawar ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay tuhunka la xiriira musuq maasuqa ee loo xiray Wasiiro ka tirsan Soomaaliland.

Todobadyo ka hor ayaa Xeer ilaaliyaha Soomaliland Xasan Axmed Aadan sheegay in loo soo gudbiyey baaris lagu sameeyey Xafiisyada Wasaaradaha Warfaafinta & Gaashaandhigga,isla markaasna dacwadaas ay weli yaallaan.

Waxa uu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland in dacwadaas ay tahay mid dacaayad ah,isla markaana isagu uusan ku kicin fal la xiriira musuq maasuq iyo wax isbdaba marin.

Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliland Axmed Ciise Xawar ayaa imaanaya xilli horay Hanti dhowraha Soomaaliland uu amray in loo xiro Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.