Daawo: “Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa diidan shidaalka Soomaaliya”

1731

Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay.

Faarax Macalin oo taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay diidan yihiin wax soo saarka shidaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block.

Faarax Macalin ayaa sheegay in saddex aqoonyahan oo ka shaqeynayay Wasaaradda Batroolka lagu sameeyay shaqo joojin, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay in Wasiirka Batroolka uu shaqada ka fariisiyay saddexdaas xubnood, isla markaana rag kale la soo geliyay shaqada

Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay aheyd inay ka dhega fureysato dalalka diidan, isla markaana ay sii wadaan arrimaha shidaalka soo saarista Soomaaliya.