Hordhac: Crystal Palace Vs Liverpool: Reds Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha

1971

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka dhici doona garoonka Selhurst Park kana tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa in ay sii wado rikoodhkeeda guuldaro la,aanta ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo waliba in ay sii xejisato dhibcaha ay ka horayso kooxaha kaalinta 2-aad ku jira.

Dhanka kale kooxda Crystal Palace oo ah kooxdii ugu horaysay ee Man City guuldarada ku bilowday xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay markana Liverpool ku aftaxdo.

Kulanka: Crystal Palace Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Crystal Palace ayaa guuldaro la kulantay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Liverpool waxana ku jira mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay oo xidhiidh ah.

Liverpool ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Crystal Palace iyada oo ka badan intii ay ka badisay 12-kii kulan ee hore ee ay ka hor tagtay Eagles.

Liverpool ayaan guuldaro la kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee ay ku ciyaartay london iyada oo guuldaradii ugu dambysay ahayd mid 1/0 ah oo ay kala kulantay Chelsea bishii May 2018.

Liverpool ayaan guuldaro la kulmin 29-kii kulan ee ugu dambeeyay ee prmeier League 24 way badisay 5 kale bar-baro ayay gashay waxana jira kaliya 4 kooxood oo taariikhda tartanka kulamo intaas ka badan guuldaro la,aan ahaa waxana ay kala yihiin Arsenal (49, May 2003 ilaa October 2004), Chelsea (40, October 2004 ilaa October 2005), Arsenal (30, December 2001 ilaa October 2002) Iyo Man City (30, April 2017 ilaa january 2018).