Banaanbaxyo ka dhan ah Deni oo kadhici doona Boosaaso

1819

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Barri ayaa sheegaya in ay magaaladaas ka socdaan qabanqaabada banaanbax looga soo horjeedo hanaanka loo maray qeybinta xaafaddaha magaaladaas, oo ay Xukuumadda Puntland u qeybisay 4 qeybood, oo kiciyey xiisad la xariirta xagga qabaa’ilka oo isku haysta.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka taagnaa muran la xiriira sida loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso waxaana Bulshada halkaasi deggan qaarkood cabashooyin u gudbiyeen maamulka degmada Boosaaso inkastoo sida ay sheegeen aan laga hoos-qaadin Cabashooyinkaas.

Qaar kamid ah Odayaasha beelaha gobalka, gaar ahaana magaalada Boosaaso ayaa walaac ka muujiyey hanaanka loo qeybshay xaafadeynta magaalada iyo maamulkooda sida loo qeybsaday, waxayna ku dhaliileen Xukuumadda uu hogaamiyo Siciid Deni in ay ka leeyihiin ujeedooyin qaloocan, waa sida ay sheegeene’e

Qaban-qaabiyaasha Muddaharaadka ayaa gudaha Boosaaso ka wada abaabulka iyo diyaarinta bannaan-baxyo ay doonayaan in la qabto Jimcaha soo socda haddii aysan maamulka degmada wax ka beddelin habka loo qaybiyay waaxyaha magaalada.

Dadka qaarkood ayaa ku eedeynaya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu leeyahay maskaxda kala qeybinta magaalada, uuna isagu abaabulay waxayna sheegeen in ay taasi muujinayso in Madaxweyne kasta oo yimaada Puntland uu doonayo in meesha laga saaro Boosaaso.