Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, ayaa sheegay in aysan dadka reer Puntland matalaad siyaasadeed oo caadi ah ku heysan Muqdisho.
Gaagaab oo kamid ah xubnaha Puntland ku matala Aqalka Sare ee BJFS ayaa xusay in xilalkii dalka ee muhiimka ahaa lagu safay beesha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaa xaqiiqo in Xukuumadda hadda jirta xilalkii muhiimka ahaa waxaa lagu safay beesha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh, Puntland lama siin wax u qalma reer Puntland waxaan u sheegayaa Xamar waxaan magac ahayn inaysan naga jirin, Saluug badan ayaa jira oo dhinac kasta leh” ayaa yiri isagoo kahadlayay kulan uu la qaatay Waxgaradka gobalka Mudug.
Puntland ayaa saluug badan ka muujinaysay dhowaanahan hab dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilalka dalka ugu safay beeshiisa.