Firdhiye u tegay Muqdisho isagoo qeyb ka aheyn shirka wadatashiga

175

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo deegaanada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyahan kasoo kicitimay Laascaanood kama qayb-galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Ujeedka imaatinka Firdhiye ayaa la xiriira kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda sare ee dowladda dhexe, kadibna wuxuu sii aadi doonaa safar dhanka dibadda ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

Waa markii 2-aad ee uu Hoggaamiyaha Khaatumo imaanayo magaalada Muqdisho, waxaana horay u casuuntay dowladda federaalka oo taageero u muujisay maamulkan oo dagaal adag la galay Somaliland.