Axmed Madoobe oo isaga baxay shirka

99

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isaga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayada oo weli aan lasoo saarin war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Axmed Madoobe uu goordhow ka duulay garoonka Aadan Cadde, isaga oo kusii jeeda Kismaayo, halkaas oo uu ku qaban doono shir jaraa’id oo uu ku faah-faahin doono arrimaha xasaasiga ah ee la’isku mari waayay.

Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Sidoo kale wuxuu ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Tagista madaxweynaha Jubbaland iyo go’aankiisa diidmada ayaa muunineyso inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, maadaama aan illaa iyo hadda laga soo saarin go’aanno ama war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.