DAAWO:-Guddoomiyeyaasha Degmooyinka shaqadoodu waa naadafada inay ka shaqeeyo

50

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) iyo guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka ee gobolka ayay ka dhex tafatay, waxaana la’isku qabtay fulinta xukunnada ay soo saarto maxkamadda.

Arrintan ayaa daba socoto, kadib markii qaar kamid ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay sheegeen in aan lasoo wargelin marka la fulinayo xukunnada dhulka ku yaalla degmooyinkooda, taasina ay tahay mid laga haboon yahay.

Saalax Dabaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag ula hadlay maamullada degmooyinka, wuxuuna sheegay in aysan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday oo ku saabsan guryaha ama dhulalka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiyeyaashu shaqadooda ay tahay kaliya inay ka shaqeeyaan nadaafadda degmooyinka, isla markaana aanay shaqo ku lahayn xukunnada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xukun ay rideen aysan kusoo wargeli doonin gudoomiye degmo, shaqadaasna ay leedahay maxkamadda gobolka.

“Guddoomiye Degmo waxa ay mas’uuliyadiisu tahay inuu naadafad ka shaqeeyo, maahan inuu sharci ka shaqeeyo, sharci mas’uuliyad kama saarna, xaq uu kuleeyahay ma jirto, shaqo uu ku leeyahayna ma jirto, maxkamad ayaa ka garnaqda doodaha dadka ee u dhaxeeya xaqqa iyo miilkiilaha laisku haysto cidda mas’uuliyadeeda is kaleh waa Maxkamad” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir.

Dabaan ayaa sidoo kale ugu goodiyay guddoomiyihii ka hor yimaado go’aanka maxkamadda isaga qudhiisa laga saari doono guriga uu dagan yahay, lana xiri doono.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oohaatan caasimada ay ka taagan yihiin murano xoogan oo ka dhashay dhulalka la’isku haysto iyo kuwa danta-guud oo ay dowladda federaalka Soomaaliya bilowday in laga saaro shacab ku dhowaad 30 sano kusoo noolaa.