Laba Nin oo Ethiopian ah oo lagu dilay Degmada Guriceel

42

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiligii barqada lagu dilay magaaladaasi nin Ethiopian ah mid kalana dhaawac loogu geestay kadib markii ay murmeen nin xirnaa dareeska ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Dadka degaanka ayaa sheegay in ruuxii kale ee dhaawaca uu soo gaaray goor dambe uu u geeriyooday dhaawacii rasaasta kasoo gaartay.

 

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Shaqaalihii xoogsatada Itoobiyaanka ay bilaabeen inay iskaga cararaan Magaalooyinka Gobolka Galgaduud ka dib dilkii maanta ka dhacay Guriceel.

 

Si degdeg ah ayay uga baxeen magaalada iyagoo kireystay Gawaari waaweyn waxaana ay horey usii qaateen Meydka labada nin, wararka qaar ayaa sheegaya in Magaalooyin kale oo gobolka ah ay sidaas oo kale uga qaxeen Itoobiyaanku.

 

Qoomiyadda Oromada waxaa maalmihii lasoo dhaafay looga digayay ka ganacsiga biraha oo inta badan ay uga shaqeysan jireen gudaha magaalada Guriceel.

 

Ilaa iyo hadda ma cada beegsiga ku bilowday Ethiopianka ka xamaasha degaanada gobolka Galgaduud, waxaana jira baaritaan ay bilaabeen ciidanka maamulka Galmudug oo la xiriira dilka waxa sababay iyo ruuxii geeystay oo aan wali gacanta lagu soo dhigin.