Somaliland iyo Itoobiya oo kulan kuleh Adisababa

24

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kuwa Itoobiya, oo ay qeyb ka yihiin kuwa ammaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan xasaasi ku dhex-maro xadka labada dhinac.

 

Xukuumadda Somaliland oo shalay bayaan kasoo saartay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska, ayaa dowladda federaalka Itoobiya ku dacweysay ciidankan.

 

Dowladda Somaliland iyo dowladda federaalka Itoobiya waxa uu maalinta beri ah wada-hadal ku dhex mari doono xadka labada dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland oo uu soo saaray wasiirka amniga gudaha ee Somaliland.

 

Xukuumadda ayaa sheegtay in masuuliyadda wixii ka dhacay Dacawalay ay qaadi doonaan ciidamadii weeraray dadka shacabka iyo odayaashii nabadeynta u tegay halkaasi, oo badankood ay wateen ciidamada Liyuu Booliska, sida ay sheegtay Somaliland.

 

Kulanka maanta ayaa la filayaa in Somaliland iyo Itoobiya uga wada-hadlaan xaaladda amni darro ee soo korortay iyo wixii ka dhacay Dacawalay, oo si weyn uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama halkaasi uu ka dhacay xasuuq ba’an.

 

Madaxweynaha maamuulka Soomaalidda ee Itoobiya ayaa dhankiisa xukuumadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay deegaanka Dacawalay.

 

Si kastaba, Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horey uga soo saareen baaqyo nabadeed.