DAAWO:-Wasiir Fartaag oo amar siiyay ciidanka DF ee Gedo

37


Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo weli ku sugan degmada Garbahaarey ayaa dhaq-dhaqaaqyo ku aadan hirgelinta dorashaha Villaha Soomaaliya ka wada gobolka Gedo.

Fartaag oo maanta booqasho ku tegay taliska ciidanka booliska degmada Garbahaarey ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, wuxuuna sheegay in doorashooyin qof cod ah dalka uu aaday, gobolka Gedo-na uu qayb ka yahay.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinkaasi ay ka dhici doonaan illaa lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo laba degmo oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Waxaad nasiib u hesheen haddii aad tihiin gobolka Gedo, ama Jubbaland dhulka la yiraahdo in 8 degmo ay nooga soo hagaagtay in loo asteeyo deegaan doorashada, waxaa weeye magaalada Kismaayo, magaalada Afmadow iyo lix degmo oo Gedo ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay ciidamada uu la hadlay iyo guud ahaan kuwa dowladda ee ku sugan Gedo, isaga oo faray inay u diyaar garoobaan sugidda amniga doorashooyinkaasi.

Cidda doorashada fulineysa oo amnigeeda qaadeyso waa ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyaga oo kaalmeysanayo ciidamada kale ee qalabka sida, waaa inaad u diyaar garowdaan qaybta aad ku leedihiin ee idin kaaga soo aaday doorashadaas ay Soomaaliya u guurtay” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Ugu damebyn wasiir Fartaag ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka iyo shacabka, isaga oo ku amaanay inay qaateen fikirka dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan Gedo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhowaan ku dagaalamay degmada Doolow ee gobolkaasi.