Jilaaga Saif Ali Khan oo la weeraray dhaawacyo culusna la gaarsiiyay

20

Jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo kuyaalla magaalada Mombai ee dalka Hindiya, waxaana jilaaga la gaarsiiyay dhaawacyo dhowr ah oo toorey, kaddib markii uu weeraray nin aan heybtiisa la aqoonsan.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in nin toorey ku hubeysan uu galay guriga jilaaga Saif Ali Khan, waxaana halkaasi isku dhac dhax maray labada nin dhowr meel toorey looga dhuftaty jilaaga oo markii dambe loola cararay isbitaal oo hadda lagu daweenayo.

Ninka weerarka ku qaaday guriga jilaaga ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa burcad doonayay xatooyo, waxaana socda baaritaanno ay wadaan booliiska magaalada Mombai ay ku baadigoobayaan ninka dhaawaca gaarsiiyay jilaaga caanka ah.

Niraj Uttamani, oo ah madaxa hawlgalka isbitaalka lagu daweenayo jilaaga ayaa warbaahinta u sheegay in Khan ay lix qeybood oo kamid ah jirkiisu soo gaareen dhaawacyada middida, kuwaas oo labo ka mid ah ay yihiin kuwo daran.

Booliiska magaalada Mombai , ayaa xaqiijiyay in aan wali cidna loo soo qaban falkan lagu weeraray guriga atooraha caanka ah, waxa ayna tilmaameen in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan ayna soo qaban doonaan dambiilaha.