
Mudaharaad lagaga soo horjeedo go’aan ay Xukuumadda Somaliland ku fasaxday qabashada Xaflad lagu soo bandhigayo buug ka hadlaya Xeerka Ciisaha, ayaa xalay ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Dadweyne ka gadoodsan go’aankan, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada, halkaas oo ay jidadka taayiro ku gubeen, iyaga oo waddooyinka qaarna xiray.
Dadkan Mudaharaadayey, ayey isku dhaceen Ciidanka Booliska, iyada oo isku dhacu sababay dhimashada hal qof iyo dhawaaca dad gaaraya 10 qof, sida uu sheegay Dr. Sahal Axmed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Boorama.
Sidoo kale, Dadka mudaharaadayey ayaa waxyeello gaarsiiyey Xarumaha Dawladda qaarkood oo uu ka mid yahay xaruunta Banka dhexe.
Maamulka Gobolka Awdal iyo Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadal mudaharaadkan rabshadaha watay oo sababay inuu xirmo ganacsigii iyo isku socodkii magaaladaas.



















