
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in ammaanka Boorama ay ciidan ahaan adkaynayaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka uga digay mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka dhacay magaaladaasi.
Taliyaha ayaa sheegay in munaasabad soconaysa laba saacadood oo ka dhacaysa Saylac aanay istaahilin in dad u dhintaan, khasaarena uu dhaco.
Taliyaha ayaa xusay in shacabka Boorama aan cidna u diidi karin mudaharaad nabadeed oo aan rabshado wadan.
Magaalada Boorama waxaa ka dhacay xalay dibadbax ka dhan ah Xukuumadda Somaliland oo la xiriira soo bandhigista buug lagu magacaabo ‘Xeer Ciise’ oo la damacsanaa in xarunta Gobolka Awdal lagu qabto laakiin loo wareejiyay Saylac.
Dad ka dibadbaxay go’aankaas iyo xaqiraad ay sheegeen in lagu qoray buuggaas ayaa rabshado kala hortagay ciidamada Booliiska Somaliland oo markii dambe rasaas u adeegsaday, waxaa halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Inkasta oo aan tiro sugan la shaacin balse warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ay dhinteen in ka badan 3 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 6 ruux waxaana la tilmaamay in khasaaraha uu intaas ka badan karo.
Dadka dibadbaxay ayaa gubay goobo kala duwan iyo waddooyinka Magaalada Boorama, waxa ay is hor istaageen ciidamada Booliiska oo damacsanaa in uu kala eryo dadkaas isla markaana damiyo walxaha ay gubeen Dadkaas.




















