Akhriso Cabdi Xaashi oo eedeeyay Rooble

1647

War saxaafadeed kasoo baxay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa la safan Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Siyaasiyiinta ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble in uusan aheyn dhax dhaxaad uuna la safan yahay garab kamid ah dhinacyada is haya ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi , uuna fulin waayay balan qaadyo badan uu sameeyay.

Rooble ayaa la sheegay in uusan kasoo jawaabin qoraalo kala duwan uu u diray Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaa uu ku dalbanayay in Ra’isul Wasaaraha xal ka gaaro khilaafka guddiyada is diidan iyo xubno muran ka taagnaa .

Qoraalka kasoo baxay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee la safan Gudoomiyaha aqalka sare ayaa loogu baaqay Rooble in uu ficil ahaan u fuliyo balan qaadkiisii iyo gudashada mas’uuliyadii lagu aaminay.