AKHRISO: Puntland iyo Galmudug oo go’aamo adag soo saaray

1540

Koonfurta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa kulamo xasaasi ah ku yeeshay guddiga ammaanka gobolka Mudug ee maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka wada arrimiya magaalada Galkacyo.

Kulamadaan waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ee Puntland, laba duq ee Magaalada Gaalkacyo ee Maamulada Puntland & Galmudug, taliyayaasha ciidanka ammaanka ee labada dhinac & saraakiil dhanka ammaanka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegay in shirka uu kusoo dhamaaday Guul, isla markaana ay uga hadleen dhacdooyinkii dhacay Saddexdii Todobaad ee la so dhaafay, waxaana uu sheegay in amniga uu yahay mid wanaagsan.

Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa waxa uu intaasi ku daray in shirka lagu go’aamiyay sidii looga hortegi lahaa weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab iyo la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya oo ka qeyb-qaadanaya amni darrada Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug waxaa uu sheegay in la isku raacay in labada Ciidan ee Puntland & Galmudug ay siwadajir ah u wada howlgallaan si loo xaqiijiyo guud ahaan Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.