Akhriso Wasaarada Isgaarsiinta DF oo shacabka uga digaysa dhul ku yaalla Muqdisho

210

Wasaaradda Isgaarsiinta Qaranka oo Bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa uga digtay Iibsashada dhul dowladeed oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in dhulkaas oo ku yaalla agagaarka degaanka Siinka Dheer ee jidka Afgooye uu yahay dhul dan guud ah oo Wasaaradu leedahay, cidii lacag iska gelisana ay khasaare kala kulmi doonto.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA