Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo la goostay hubkooda

1682

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland oo saldhigooda ahaa deegaanka Af-Urur ee Buuraleyda Galgala ayaa ka baxsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, iyagoo la goostay hubkooda.

Sida wararku sheegayaan askartan oo ka mid ah Ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho, waxaana kadib la geeyay deegaanka Af Urur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankaas habeen ka hor ay baxsadeen, isla markaana la goosteen dhammaan hubkii ay wateen oo u badnaa qoriga AK47 iyo rasaas.

Ciidankaas ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka Gobolka Sanaag, waxaana qorshahooda yahay inay iibsadaan hubka iyo rasaasta wataan.

Taliyaha Ciidanka daraawiishta Puntland Jen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa amar ku bixiyay in askartaas si deg deg ah loo soo qabto, isla markaana sharciga loo horkeeno, isagoo ku sugan magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.