Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Wixii shalay laga diiday Farmaajo suuragal ma ahan in Rooble laga yeelo”+VIDEO

1211

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u saaray soo turxaan bixinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aan laga talo-gelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay ee laga saaray guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah xubnaha cabashada laga keenay, walow kuwa kale ay weli ku jiraan guddiyada.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in weli guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa ka tirsan dharcadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha, ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay”.