Madaxweynihii dowladdii ugu horreeyay ee xilligii kumeel-gaarka kaddib, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona May 2022 ilaa May 2026. Wuxuu helay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallowday saddex cod.
Xasan Sheekh wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xilkaas ka qabta Soomaaliya.
Haddaba waxaan qormadan idinkula wadaageynaa dhowr waxyaabood oo lama-filaan ah oo ku jiray doorashada madaxewnaha ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Waxay ahayd doorasho saacado badan qaadatay. Murashaxiintii ugu badnaa ee abid isku soo taaga xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa tartamay.
Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr waxyaabood oo la yaab leh oo ku saabsan doorashada madaxweynaha oo muddo sanad iyo bar ku dhow la sugayay.
Siyaasi si lama-filaan ah ugu haray wareegga koowaad
Madaxweynihii ugu dambeeyay dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku haray kaalinta koowaad – 39 cod ayuu ku macasalaameeyay doorashada.
Arrintaas ma aysan sii odorosin falanqeeyeyaasha siyaasadda. Wuxuu ku badnaa hadal-heynta ah inuu ka mid noqon doono afarta u gudbi doonta wareegga labaad, saadaashaas oo malaha lagu saleeyay ololahiisa oo soo billowday ku dhowaad labo sano ka hor.
Dadka u dhuun-daloola arrimaha siaasadda ayaa guul-darrada Shariif u sababeynaya ololihiisa oo aysan ka dhex muuqan lafo-culusta siyaasadda iyo siyaasiyiinta lagu yaqaanno ololeyaasha iyo kooxeysiga. Waxaa sidoo kale jiray tuhun ah inuu xiriir dhow la lahaa madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dadka qaar waxay ku doodaan inuu Shariifku gaabsaday wixii ka dambeeyay hanjabaaddiisii ‘Thuma-Wallaahi!’. Nux nux hoose oo la xiriirineysa ‘Nabad iyo Nololna’ “waxay u geysatay dhaawac kale,” ayay leeyihiin.
Labaatan murashax oo hal cod xitaa aan helin
Murashaxiin shuruudihii tartanka buuxiyay, qaarkoodna aad olole uga dhex sameeyay Muqdisho iyo baraha bulshada ayaan hal cod xitaa helin – Dad badan ayaa iswaydiinaya sababta ay waqtiga, lacagta iyo tamarta ugu beeleen fadeexadaas siyaasadeed.
Mise ujeedkooduba wuxuu markii hore ahaa in magacyadooda laga dhex naadiyo madal loogu tartamayo xil-madaxweyne? Mise ujeeddooyin siyaasadeed oo mustaqbalka ayay ku raadinayaan? Mise waxay wakiisheen nasiibkooda oo halkaas dhigay?
Waxaa saf kula jira siddeed murashax oo hal ama labo cod meesha kala tagay. Ku darso, qaar baa codka ay heleen uu ahaa koodii malaha, maaddaama ay baarlamaanka xubno ka yihiin. Waxaa ka mid ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ahayd haweeneyda kaliga ah ee tartanka ku jirtay.
Siyaasiga wareegga labaad dhex mushaaxay
Raysul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si lama-filaan ah uga mid noqday afarta sare. Wuxuu ku soo baxay 47 cod, isagoo wareeggii labaadna taageeradiisa gaarsiistay 63 cod. Wuxuu aad uga ag-dhowaaday Saciid Cabdullaahi Dani oo kaalinta koowaad uga soo gudbay wareegga koowaad.
Sida xilka raysul-wasaaraha looga qaaday wuxuu waday olole, sidaas oo ay tahay dad badan ayaa aaminsanaa in uusan u gudbeynin wareegga labaad.
Wuxuu Shariif la wadaagay tuhunka ah inuu baddiil u yahay Farmaajo. Waxaa sidoo kale horay loogu dhaliilay inuusan sameynin ”xisaab-xir” siyaasadeed iyo ka jawaab celin la’aanta eedeymo loo jeediyay intii uu raysul-wasaaraha ahaa ikastoo uu waxyaabaha qaar ka hadlay.
Deni iyo wacdarihiisii
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu wacdaro ka dhigay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha. Wuxuu ku soo baxay 65 cod oo ahaa kuwii ugu badnaa ee uu hal qof helo wareeggaas. Waa la qiyaasiyay in uu aad isu soo diyaariyay, xildhibaannada ka soo baxay Puntlandna uu ku tashanayay. Hase yeeshee, codadkaas saddex un baa ugu darantay wareeggii labaad.
Wuxuu ahaa farqi-sameeye. Waxay codadkaas u dhaceen Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inay ahaayeen saaxiibbo isku dhow, uuna ka dhaxeeyay xulafeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo.
Taas oo jirta, haddana waxaa Deni ka go’neyd inuu meesha ka saaro Farmaajo oo ay horay isugu qabteen siyaasadda.
Si kastaba ha ahaatee, dib ugu laabashadiisa Puntland ma noqon doono safar sahlan. Caqabado uga imaanaya ku-xigeenkiisa oo kursiga ku haysta ayaa sugaya.
Ma laga yaabaa inuu Xasan Sheekh u noqdo raysul-wasaaraha xiga ama uu kaalin ku yeesho xulashada raysul-wasaaraha xiga?
W/Q Abdirahman Taysiir