Ciidanka Ahlu Sunna oo lagu wareejiyay Dowlada Federalka+VIDEO

1921

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga mid noqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudbad u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.

Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug.

30 Agosto 2013 Saraakiil uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa lagu wareejiyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Ahlusuna, oo xilligaas lagu xareeyay xerada 21aad ee magaalada Dhuusamareeb, waxaa xilligaas ka hadlay munaasabadda Guddoomiyihii Saddexda Gole ee Ahlusuna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeyay oo sheegay in Ciidamadii Ahlusuna ay si rasmi ugu biireen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu wareejiyay ciidamada Ahlusuna waxaa ka horeysay heshiis bishii March ee isla sanadkaas ku saxiixeen Caabudwaaq Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Maamulka Ahlusuna oo la sheegay wixii xilligaas ka dambeeyay inay ku biireen dowladda Federaalka.

Lix sano kaddib ayay mar kale Ahlusuna maanta sheegtay inay Ciidamadeeda ku biireen ciidamada dowladda Federaalka, lama oga ku biiritaankan inay la mid noqon doonto kuwii hore iyo in kale.