DAAWO Baarlamanka Puntland oo uyeeray Xeer Ilaalinta

1628

Baarlamaanka Puntland ayaa laalay dacwadii Xeer Ilaalintu kasoo gudbisay Xildhibaan Cawil Daad oo dhowaan Su’aal waydiiyey Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

39 xildhibaan oo kamid ah 41 Xildhibaan oo fadhiyey kulanka 5’aad ee kalfadhiga 45’aad ayaa u codeeyey in Xildhibaanku uusan wax danbi ah gelin.

Dhanka Kale Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa u codeeyay fadhigii maanta in loo yeedho Masuuliyiinta Xeer ilaalinta, kadib markii Guddiga Shuruucda ee Baarlamanku ay sharci darro ku tilmaameen Qoraal dhawaan ka soo baxay Xeer ilaalinta.

Xafiiska Xeer ilaalinta Puntland ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwadii ay kusoo oogi lahaayeen Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su`aal weydiiyey Madaxweyne Deni,

Maadaama uu heshiis dhexmaray Golaha xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xeer-ilaalinta.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa horay loogu sheegay inuu Madaxwayne DENI Cafiyey Xildhibaan Cawil, Kadib Codsi uga yimid Xildhibaano uu Qardho kula kulmay.