Boqor Burhaan Boqor Muuse, iyo Isimo kale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka digay dagaal u ku dhexmara Boosaaso Ciidammada Daraawiishta Puntland iyo Ciidanka PSF oo hoggaankiisu u diiday xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Boqor Burhaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo hadalada saxaafadda la isku marin, iyo qaxinta dadka deegaanka, isagoo ku baaqay wada-hadal.
“Wararka idaacadaha iyo saxaafadda la isku marinayo aan waxba kordhinay inay wax sii fogeeyaan ma ahee, iyagana waxaan leeyahay halaga taxadaro, Boosaaso waa magaalo halbowlo u ah, oo Soomaali oo dhan Hooyo u noqotay, waxaan rajeynaynaa inay abaalkeedu noqon in dhhibaato ka dhacdo”.