DAAWO:-Ciidamada oo looga digay kumilanka Siyaasadda

295

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali nur Shuute ayaa kaga digay Ciidamada Qalabka Sida ku Milanka Loolanka u dhexeeyo Siyaasiyiinta isku khilaafsan Danahooda Gaarka ah & Arrima kale.

Guddoomiyaha oo Boqolaal Askari kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay in markasta ay dhacdo siyaasad aan wanaagsaneyn ay ka dhalato in uu dhiig daato, balse Ciidamada looga baahan yahay inay wixii sharci ah ay difaacaan.

Wuxuu sheegay in siayasad toosan ay sahli karto in dalka uu noqdo mid toosan oo amni ah, isla markaana Sarkaalka iyo Ciidamada looga baahan yahay inay wadaniyaddu ay tahay in qof walba uu u hiiliyo dalkiisa balse dowladda loo hiilin karo markii ay ku soocto waddo sax ah oo sharci ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute in Ciidamada looga baahan yahay inay si hagar la’aan u difaacan dalka ayna ka hortagaan ururka Al-Shabaab oo mar walba weerar ka geysta dalka ayna yihiin kuwo iska sii dhamaanaya sida u hadalka u digay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heystaan fursad dalka uu ku badbaadi karo, hayeeshee ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.