DAAWO: Ciidamo katirsanaa Puntland oo ku dhawaaqay in ay ku biireen DF Soomaaliya

1971

Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland, kuna suganaa gobalka Gardafuu ayaa sheegay in ay kubiireen ciidamada DF Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay xaquuqdoodii ka waayeen Xukuumadda Puntland, iyagoo sheegay in ay horey u tirsanayeen dhibaatooyin badan.

Waxaana horey guddiga Dibu-habeynta ciidamada Puntland ay diideen in ay gobalkaas tagaan oo ay kasameeyaan Tirokoobka ciidanka, waxaana guddigan hogaminayay wasiiradda Maaliyada Xassan Shire Abgaal & Amniga Cabdisamad Galan.

Guddiga ayaa xiligaas codsaday in ay ciidamada Gardafuu yimaadaan gobalka Barri deegaano katirsan, maadaama deegaanadaas aysan laheyn wadooyin si fudud lagu gaari karro.

Is abaabulka ciidanka, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya oo ku wajahan dhaqdhaqaaqooda waqtigan waxa ku soo beegay, balse dadka deegaanka qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa tabasho muujiyey.