DAAWO:-Laftagareen ‘”Somaliland waa in meel ay ku sheegtaa hantida dadkii ay soo barakicisay‘”

1463

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa si kulul uga hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Somaliland maalmihii lasoo dhaafay ka musaafurineysay magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool.

laftagareen ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid aad iyo aad looga xumaado sida arxandarada ah loola dhaqmey, taas oo ah in la kala geeyey Waalidiin, Carruurtooda iyo hantidooda, waxaana uu Somaliland uu ugu baaqay iney jawaab deg deg ka bixiyaan arrinta ay geysteen

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay soo saareen Guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo baaritaan dhab ah ku saneeynaya hantida ka maqan dadka Guryahoodii laga soo saaray ee Mavaalada laas-Caanood.

Warkaan kasoo baxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed agaa kusoo aadaya xilli Somaliland Mavaalada laas-Caanood ay si awood ah uga soo musaafurisay dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo haatan ku sugan degaano ka tirsan Maamulka Puntland.