DAAWO:- Qoor Qoor oo digniin adag u diray Musharaxiinta

135

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) , oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa digniin adag u diray musharaxiinta loollanka adag kala dhaxeeyo.

Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisa inta uu jiray uu gaaray horumario badan oo dhinaca maamulka ah , sidoo kale guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab , uu tilmaamay in laga xureeyay degmooyin iyo deegaanno katirsan Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaana dhanka kale digniin adag u diray musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, waxa uu sheegay in laga gudbay xilligii awoodda wax lagu raadin jiray , sidoo kale dan shaqsi dadka lagu dhibaateyn jiray.

Dadka damaca ka leh siyaasadda xaq-baad u leedihiin inaad damac yeelataan, laakiin waxaa rabaa Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii qof dan lihi dantiisa ku dhibaateyn jiray” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan darradooda waa yaqaaniin”ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale musharaxiinta awoodda isbideysa uga digay in hub iyo ciidan badan lasoo galaan Galmudug, waxa kale uu uga digay in ay sameeyaan kicin dadweyne iyo abaabulka isku dhacyo bulshada dhaxdeeda ah.

Meeshaas waxaa ka reeban dadka qaarkii waxa lagu arkay ama dowlad goboleedyada ay hadda kusoo baxeen ama caan ay ku yihiin waxaa ka reeban hub, waxaa ka reeban abaabul dhalinyaro waxaa ka reeban wax u eeg saan saan horay loogu soo daalay oo laga soo gudbay” ayuu mar kale yiri madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna doonayaa in uu cadaadis badan saaro musharaxiinta kale ee tartanka kula jira, si awoodda maamulka isugu koobo uguno soo baxo kursiga mar kale.