DAAWO:-“Saraakiisha Ciidanka DFS qaar ayaa la shaqeysta Al-Shabaab”

292

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah hoggaanka Ciidamada Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya inay la shaqeystaan kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Dalsan TV, ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inay tahay wax cajiib ah in wiil yar oo ah sarkaal, qaatana mushaar kooban uu dabaqyo ka jeexanayo Muqdisho, sidoo kale dalxiis u tagayo dalal ay kamid yihiin Turkiga, Malaysia iyo Kenya.

Warsame ayaa xusay in dadkii horey ugu fashilmay amniga dalka, geystayna dambiyada ay weli hayaan hoggaanka Ciidamada, oo aan lagu sameyn xil ka qaadis iyo la-xisaabtan.