DAAWO:- Waa kuma Adnan Oktar wadaadka laxiray

2179

11-kii bishan January, oo ku beegneyd maalintii Isniinta, ayey maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga xukun 1075 sano oo xabsi ah ku ridday nin muran badan dhaliyay oo isku sheegayay in uu yahay “wadaad islaami” ah.

Ninkan, oo lagu magacaabo Adnan Oktar, ayaa lagu helay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kufsi, faro xumeyn carruur, inuu dad xorriyaddooda uga qaaday si sharci darro ah, ku xad gudub dhinaca diinta ah, meel ka dhac xuquuqda gaarka ah ee shakhsiyaadka iyo dambiyo kale.

Booliska waddanka Turkiga ayaa dambiilahan iyo ilaaladiisaba xabsiga u taxaabay sanadkii 2018-kii, xilligaas oo ay ku eedeynayeen “inay sameeyeen koox burcad ah oo fulisa arrimo isugu jira musuqmaasuq iyo xadgudubyo dhinaca jismiga ah”.

234 qof oo taageerayaashii ku xirnaa ah ayaa sidoo kale lagu xiray weerar ay boolisku ku qaadeen xaruntiisa.

Xagey arrintu ka soo billaabatay?

Oktar (oo magaalada Ankara ku dhashay sanadkii 1956) waxaa horay loogu yaqaannay inuu telefishin uu leeyahay kasii deyn jiray muxaadarooyin ku saabsan diinta oo khilaaf dhalinayay, kuwaasoo uu uga hadlayay xeerarka shareecada Islaamka, xilli goobta uu ku muxaadareynayo ay joogaan dad maandooriyeyaasha isticmaalaya iyo dumar ciyaaraya oo qaarkood ay qaawan yihiin ama dhar aan jirkooda wada astureynin xiran yihiin.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda qoys reer Caucasian ah, wuxuu cilmiga shareecada iyo Qur’aanka bartay isagoo da’ yar. Kaddibna wuxuu dhigtay jaamacadda Mimar Sinan ee magaalada Istanbul.

Sanadihii 1980-meeyadii, xilligii uu jaamacadda ku jiray, wuxuu isku tilmaami jiray in uu yahay nin fikira cadowna ku ah caqiidooyinka ku saabsan hanti wadaagga. Xilligaas wuxuu qoray buug uu ku sheegayay in Yahuudda iyo dadka aaminsan hanti wadaagga ay farogalin ku hayaan dowladda Turkiga, ujeeddadooduna ay tahay in ay burburiyaan diinta iyo sharafta dadka Turkiga.

Sanadkii 2006-dii wuxuu qoray buug uu ku sheegay in asalka argagixisada uu ka yimid fikradihii uu lahaa Seynisyahankii u dhashay Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray Charles Darwin.

Sida lagu sheegay bogga internet-ka ee telefishinkiisu uu leeyahay, Oktar wuxuu qoray in ka badan 300 oo buug, kuwaasoo lagu turjimay ilaa 73 luuqadood.

Oktar wuxuu isku tilmaamaa in uu yahay hoggaamiye sheekhna ah, dalka Turkigana wuxuu ku leeyahay taageerayaal iyo dad xer u ah oo u badan haween.

Hase yeeshee culimada ayaa mar walba iska fogeeya fikradihiisa iyo barnaamijyada ka bixi jiray telefishinkiisa.

Marar la xiray

Oktar waxaa markii ugu horreysay la xiray sanadkii 1990-kii, markaasoo uu xabsi ku jiray muddo 19 bilood ah, isagoo ku eedeysnaa dambiyo la xiriira in uu abuurayay kacdoonno diini ah.

Toban bilood oo ka mid ah waqtigii uu xabsiga ku jiray wuxuu ku dhammeystay isbitaalka lagu daweeyo dadka dhimirka ka xanuunsan.

Kaddib markii lasii daayay, waxaa si layaab leh u kordhay tirada dadka taageerayaashiisa ah, ilaa heer ay qaarkood ku tilmaameen in uu yahay “Mahdigii la sugayay”.

Isla sanadkaas, wasiirkii Diinta iyo Awqaafta ee Turkiga ayaa ku tilmaamay Oktar in uu “yahay nin aysan maskaxdiisu fiyoobeyn”.

Hadalkaas wuxuu horseeday dagaal xagga afka ah oo dhex maray wasiirka iyo wadaadkan telefishinka ka muxaadareyn jiray.

Ugu dambeyn waxaa la xiray sanadkii 2018-kii, maalintii Isniintana waxay maxkamad ku xukuntay xabsi daa’in sannado badan ah.

BBC