DAAWO:-Xildhibaanno diday tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

76

Xildhibaanno ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka horymid tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto banaanka xarunta Villa Hargeysa.

Go’aanka oo maalin kahor soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in hadda kadib la joojiyay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta baarlamaanka iyo in xittaa wareysiyo lagu qaado hakaasi.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka jawaabayay tallaabadan ayaa sheegay inay tahay mid aan qaban xildhibaannada, sidoo kalena lagu caburinayo warbaahinta madaxa bannaan.

Waxaa nasoo gaartay in Idaacadaha laga mamnuucay inay baarlamaanka hortiiisa ay wararka ku duubtaan runtii suurtagal ma’aha, wax na qabta ma’ah, Ummadda Soomaaliyeedna cadaalad uma ah” ayuu yiri xildhibaan Cabdirsaaq Ciid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “”Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno”.

Dhankeeda Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo arrintan si kulul uga hadashay ayaa tiri “Anaga bur iyo bariis ma gadno, meeshan hadal ayaan uj oognaa, cid naga celin kartana maleh”.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.