Dhagayso Meydadka 8 dhalinyaro ah oo la soo dhigay Balcad

1704

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysay dilka sideed dhallinyaro ah oo maanta meydadkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhallinyarada la laayey, ayaa toddoba ka mid ah waxay u shaqeynayeen xarun caafimaad oo la yiraah Zamzam, waxayna ahaayeen dhallinyaro wax bartay oo jaamacado ka baxay oo deegaanka u tegay inay caawiyaan dadkooda, ayaga oo ka kala tegay Muqdisho iyo Balcad.

Inkasta oo baaritaan arrintan ku aadan weli uu socdo, oo aysan si dhab ah u caddeyn cidda gaysatay falkan, ayaa haddana dad dhowr ah oo ka mid ah kuwa deegaanka waxay xasuuqa dhallinyaradan ku wada eedeeyeen inay ka dambeeyeen ciidamada militariga Soomaaliya, kuwaas oo, sida ay sheegeen, ayaga oo carreysan shalay kaxeystay kadibna inta ay soo dileen kusoo tuuray laamiga Gololey.

Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada kaxeystay dhallinyarada ay ka tirsanaayeen guutada 27-aad ee militariga Soomaaliya.

Nabaddoonka ayaa sheegay in ciidamada xasuuqa gaystay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda, balse ay wejiyada soo duubteen, sidoo kalena ay qariyeen astaanta calanka ee ku dheggan tuutaha.

Sidoo kale, Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax, oo ku beel ah dhallinyarada la laayey, ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad, oo arrintan ka hadlay ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 9 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen. Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay.”

Si kastaba, afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa beeniyey in ciidamada dowladda ay ka dambeeyeen xasuuqan, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka Gololey ayaa waxaa habeen hore ka dhacay qarax lagu dilay sideed ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay saddex kale, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay ka carroodeen qaraxaas, sidaasna ku kaxeysteen dhallinyarada.

Dhallinyarada oo lagala baxay MCH-ka Zamzam, ayaa dad Caasimada Online la hadlay waxay sheegeen in loo jeediyey eedeymo ay ka mid ahaayeen sababta aysan ciidamada ugu soo war-gelin qaraxa loo aasay, iyo inay Al-Shabaab yihiin.

Dadka la diley ayaa waxaa rasaas ay uga taal madaxa iyo qeybo badan oo jirkooda ka mid ah, sida ay sheegeen dadkii gaaray halkii laga helay meydadkooda, waxaana hadda meydadka ay yaalaan oo lagu baarayaa CID-da Muqdisho oo la keenay.

Dhallinyarada la dilay ayaa magacyadoodu yihiin

1- Cumar Xuuti Maxamud
2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle
3- Cali Axmed Cali
4- C/saaq Cabdulaahi Qooble
5- Maxamed Cumar Boore
6- Abuukar Muuse Maaxi
7- Yuusuf Ayuub
8- Iyo Nuur Xaaji Gaas