Dhageyso: Jabuuti oo sheegtay nuuca dekeda ah ay Itoobiya siinayso

93

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia u soo bandhigtay hindise cusub oo xalin kara baahida ay Ethiopia u qabto helista marin biyood, laguna xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka.

Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Ethiopia ay ka hesho deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, balse wuxuu cadeeyey in dekedda ay u yaboohayaan Ethiopia ay tahay mid ganacsi oo aysan ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Ethiopia ay ka soo jawaabto.

Hadii dagaal dhaco gobolkeena oo dhan ayuu saameynayaa, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ku dadaali doonaa inay xal u helaan khilaafkooda, waxaan nahay wadan yar oo hoggaamiya IGAD, laakiin talooyinkeena aad ayaa loo dhageystaa, labada dhinacba waa na ixtiraamaan, waxaan Alle ka rajeynaa inaan ku guuleysano xalinta khilaafkaan,” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jabuuti.

Wasiirka Maxamuud ayaa rajo badan ka muujiyey in khilaafka labada dalka wadahadal lagu dhameyn karo, “madaxda labada dal hadii ay wada fariistaan oo wax badan falanqeeyaan waxaan aaminsanahay in wax kasta diblomaasiyad lagu dhameyn karo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa cadeeyey ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay u baahan yihiin deked ay wax kala soo degaan, in kastoo baahida dekedaha ay u bahaan yihiin ay badan tahay, hadana wuxuu sheegay in deked ganacsi ay siinayaan, hadii xal loogu helayo khilaafkaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay la wadaageen in dekedaan ay uga qeyb qaadanayaan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee salka ku haya dekedaha, wuxuuna sheegay inay ka war sugayaan jawaabta Itoobiya.

Waxa aan Itoobiya u ogolnahay saldhig military kuma jiro, ganacsiga bulshada inuu ka faa’iideyso ayaan ugu talagalnay, intaas wax dheer malaha, waana la wadaagnay masuuliyiinta ugu waaweyn dalkaas, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha, waana ka sugeynaa jawaabtooda,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

 

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA