DHAGEYSO: Puntland oo shaacisay tiradda Qaxootiga soo galay

1554

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay tiradda Qaxootiga aan Soomaalida aheyn ee soo galay degaanada maamulka Puntland sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-ka.

Puntland ayaa sheegtay in Qaxootiga soo galay degaanada maamulka Puntland ay isugu jireen qeybaha kala duwan ee Bulshadda sidda Haweenka iyo Carruurta, islamarkaana la duwaan galiyay ka hor inta aysan u bixin dalka Yemen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa warbaahinta u sheegay in tiradda guud ee Muhaajiriinta ay aad u fara badan yihiin,islamarkaana ay kasoo jeeddaan badankood dalka Itoobiya, Maadaama ay Yemen u socdaan ka dibna ay sii gaaraan dalka Sacuudiga.

Muhajiriinta Itoobiyaanka ee u tallaaba dhanka Yemen iyagoo dhexmaraya Puntland ayaa weli si xowli ah ku socda marka loo eego warbixin sannadeedka Puntland ee sannadkii tagay ay ururisay Wasaradda Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Puntland.