Genaraal Xuud iyo maleeshiyaad hubeysan oo diiday in Cali guudlaawe uu tago Baladwayne +VIDEO

1965

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Baledweyne madaweynaha Hirshabeelle uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah soo gaaro magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si loogu Caleema saaro.

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo uu hohgaamiye General Abuukar Xuud ayaa shalay iyo xalay kulamo fashil ku dhamaaday waxaa deegaanka Ceelgaal kula qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa sheegay inaay dagaal ku soo qaadi doono bartamaha magaalada Baledweyne haddii uu soo gaaro Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha Hirshabeelle.