Guddiga doorashada Aqalka Sare Galmudug oo doortay Shir Guddoon

1143

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa waxa ay doorteen guddoonka golahaasi.

Guddiga ayaa guddoomiye udoortay xildhibaan Cabdi Wahaab Maxamed Axmed, halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdi Rixiin Axmed Cigaal.

Xildhibaan yaasiin Maxamed Cabdiraxman ayaa loo doortay xoghayaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Galmudug.

Talaabadaani ayaa ah mid lagu dardar galinayo doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya maadama uu shalay R/Wasaare Rooble faray dowlad goboleedyada dhiman in ay soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare islamarkaana ay qabtaan doorashada si deg deg ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo musharaxiinta Aqalka Sare iyadoo shirar kala gaar gaar ah ay ka socdaan magaalada Dhuusamareeb.